Tallooyin Muhiim ah oo ku socda dadka Damaashaadka u taga xeebta Liido Xilliyada Habeenkii

Xeebta liido waxay kamid tahay meelaha loo damaashaad iyo tamashle tago, Madax & Shacabba. Waqtiyadii hore waxaa loo damaashaad tagi jiray maalmaha isbuuc-dhamaadka ah ee jimcaha iyo Khamiista oo kaliya. Balse, sanadahaan dambe waxaa billowday in xeebta liido loo damaashaad tago habeen & maalin sitimaanka dhammaantii, taasina waxaa keentay in soomaalidu aad u fahantay qiimaha ay leeyihiin xeebaha iyo neecawdooda, marka laga hadlayo xagga nasiinada (jirka iyo maskaxdaba) iyo damaashaadka intaba.

Laba habeen oo kamid ahaa bishii ramadaan, ee la soo dhaafay, ayaan u damaashaad tegay xeebta liido, waxaad ka dareemaysaa farxad & raynrayn marka aad aragto caruur yaryar oo waalidkood gacanta hayaan, oo si teelteel ah u taagan, u lugeynaya, ama u fadhiya maqaayadaha iyo cirifyada xeebta badda, iyagoo ay ka muuqato farxad ay la qeybsanayaan waalidkood.Sidoo kale dadka ku sugan xeebta madax iyo shacab intaba waxaa halkaas kamuuqda jawi farxadeed.

Nasiib-darada jirta ayaa waxay tahay, in goobtaas uusan ka jirin taxadar wayn oo dhanka amniga ah, cabsida ayaa ah cadowga koowaad ee kala dhantaala farxadda xeebta liido. Weerarada ay qaadaan kooxaha hubaysan ayaysan jirin ciidan dowladeed oo u diyaarsan inay wajahaan, lehna taxadar kahortag ah. Waxa kaliya ee ciidanka laga helo ayaa ah kadabatag soo daaha qudhiisu, oo yimaada waqti wax walba dhici karaan, ama ayba dheceen.

Ma aqaan in dowladdu awood ahaan heli waysay ciidamo khaas ah oo si gaar ah u ilaaliya xeebta liido iyo dadka u soo daamaashaad taga habeen walba & saacad walba. Waxaa kale oo dhib jira ah, in marka wax dhacaan, ama goob ka mid la soo weeraro xeebta, ay ciidamada dowladda iyo kuwa maqaayadaha waardiyeeyaba, ay sabab u noqdaan waxyeello (dhimasho & dhaawacba) ka badan intii ay geysteen kooxaha hubeysan ee weerarka soo qaaday.

Tabobarka oo ku yar iyo wacyigelinta oo ku liidata aawadeed, ayay ciidamadu rasaas iska furaan jiho walba, sidaana waxaa badanaa waxyeello dhimasho iyo dhaawacba leh ay uga soo gaartaa dadka rayidka ah, ee cabsida darteed kala dudaya, lana shoogsan dhacdadii hore – weerarkii.

Hadaba, maxay tahay fariintaan ujeedka aan ka leeyahay;

1. Reeraha dhammaantooda wada taga in ay is kala yareeyaan, oo ay kalikali ama teelteel u tagaan markiiba: hal qof, ama labo qof.

2. Habeen oo dhan in aanan caruurta iyo waayeelka loo soo wedin xeebta, ilaa iyo inta hal go’aan oo mideesan ay ka yeelanayaan dowlada iyo qolyaha ku ganacsada xeebta.

3. In haddii laga maarmi waayo in xeyn dad ah, oo hal reer ah ay soo wada aadaan halmar ah, ay walba ka dhigtaan xilli maalin cad ah. Kaligaa ayaa ku dhibtoonaya hadii shill dhaco, marka aad dad maras ah(caruur iyo waayeel) soo waddana waa kasii dhib iyo mashaqo badan tahay.

W/Q: Siciid Qalable

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -